DHAGEYSO:Booliiska Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay xarigga Cismaan Cumar Dool

0
225

Booliiska jamhuuriyadda Somaliland ayaa Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga loo taxaabay ku eedeeyay qaran dumisnimo iyo dagaal oogis.
Booliiska ayaa soo bandhigay muuqaallo iyo qoraalo uu Dool bulshada ku dhiirigalinayo in ay sharciga ka hor yimaadaan iyo in ay qoryaha qaataan oo ay dagaalamaan.
Waxaa uu sidoo kale booliiska soo bandhigay muuqaal uu ciidamada kala duwan ugu baaqayo in ay amardiido sameeyaan, oo ay ku biiraan Jabhadii Gacan libaax.
Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha uu dadwaynaha Somaliland ku dhiirigalinayay in ay ka horyimaadaan shuruucda iyo kala dambeynta jamhuuriyaddaasi u dagsan.

Dool ayaa ka hor intii aan 20-kii bishan lagu xirin madaarka Cigaal ee Hargaysa, baraha bulshada ku baahiyay muuqaal uu bulshada ugu baaqayo in ay dagaalamaan haddii la xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here