Gaari dad ku jiiray Meru oo galaaftay nolosha 7 qof

0
141

Waxaa lagu soo warramayaa in toddobo qof ay isla goobta ku dhinteen, ka dib markii gaari xamuul ah oo siday bulukeetiga dhismaha uu jiiray dad lugaynayay.
Dadka dhintay ayaa isugu jira afar rag ah , labo haween iyo gabadh.
Shilkan ayaa laga soo tabiyay magaalada Timau gaar ahaan waddada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Meru-Nyanyuki
Taliyaha booliiska ee deegaanka hoose ee Buuri, Laura Imbacha oo dhacdadan xaqiijisay ayaa sheegtay in dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen shilkan.
Waxay intaasi ku dartay in shilka uu dhacay abaare 6:30 fiidnimo ee xalay.
Taliyaha ayaa xustay in gaariga siday dhagaxaanta dhismaha uu koontaroolka lumiyay ka hor inta uusan ku dhicin dadka lugeynayay.
Shilkan khasaaraha sababay ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay wadaha mooto bajaaj oo waddada marayay.
Waxaa dadkii shilkan ku dhaawacmay lagu dabiibaya xarumaha caafimaadka ee magaalooyinka Timau iyo Nyayuki.
Meydadka toddobada ruux ee shilka ku nafwaayay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee magaalada Nanyuki.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here