DHAGEYSO:Afhayeenka dowladda sare oo sheegay in dibadbaxyada aynan ka marnayn farogelin shisheeye

0
275

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa sheegay in ay qadarinayaan xaqa ay kenyaanka u leeyihiin in ay dibadbaxaan iyagoo muujinaya sida aynan ugu qanacsanayn qorshayaasha dowladda.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay shacabka dhageysato oo la xalliyo tabashooyinka jira ee dhanka hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soo jeedinnadii la xiriiray rootiga , saliidda cuntada iyo gawaarida ee meesha laga saaray.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa tilmaamay in kastoo ay jiraan shakhsiyaad ay daacad ka tahay in ay dibadbaxaan haddana in mudaaharaadyada aynan ka marnayn siyaasad iyo farogelin shisheeye.
Waxaa uu xusay in ay suuragal tahay in aan lagu farxin go’aammada uu madaxweyne Ruto ka qaatay arrimaha caalamiga sida isbeddelka cimillada, haykalka maaliyadeed iyo duullaanka militari ee uu Ruushku ku hayo Ukraine.

Mwaura ayaa dhanka kale kenyaanka ku boorriyay in ay waddaniyad muujiyaan isagoo sheegay in ay waqti qaadanaysa in isbeddelo la sameeyo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay shaqaaleysiinta macallimiinta wax ka dhiga fasallada hoose ee dugsiyada JSS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here