Waaxda dambi baarista dalka oo xaqiijisay in la xiray xildhibaankii hore ee Nandi Hills

0
345

Waaxda dambi baarista waddanka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku xaqiijisay in la xiray xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Nandi Hills ee ismaamulka Nandi Alfred Keter.
DCI ayaa hoosta ka xarriiqday in siyaasigan ay gacanta ku dhigeen saraakiisha adeegga qaran ee booliiska ee NPS.
Waaxdan ayaa beenisay warar goor sii horreysay lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsanaa in Keter la afduubtay.
Waxay intaasi ku dartay in mas’uulkan hore loo haysto hagardaamo la xiriirta gudbinta hubka iyo kicinta dadweynaha .
Alfred Keter ayaa ka dib markii la qabtay la geeyay saldhigga booliiska ee Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ka hor inta aan la siidayn si qiimeyn loogu sameeyo waxyaabo la doonaya in loo adeegsado dacwadda ka dhanka ah.
Waaxda dambi baarista ayaa sheegtay in gal-dacwadeedka loo gudbin doono waaxda dacwad oogidda dalka ee ODPP si loo qaado tallaabada xigta.
Ciidamada booliiska ayaa shacabka ku boorriyay in aynan ku kicin shaqaaqo, hadallada naceybka ku saleysan iyo qorsho kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada qaranka.
Abaare 12-kii duhurnimo ee maanta ayay ahayd markii muuqaal laga dhex arkay saddex qof oo wajiyada duubtay oo aan ku labisnayn dareeska ciidamada oo baabuurkiisa ka soo dejinaya Alfred Keter ka dibna si qasab ah ku gelinaya baabuur kale.
Arrintan oo uu xildhibaankii hore ee Nandi Hills ku tilmaamay afduub ayaa ka dhacday afaafka hore ee kaniisadda Holy Trinity Catholic Church ee xaafadda Kileleshwa ee ismaamulka Nairobi taaso caro xooggan abuurtay.
Alfred Keter ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida wayn u taageerayay dibadbaxyadii looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Dhanka kale madaxweynaha dalka William Ruto oo caawa warbaahinta waddanka si wadajir ah wareysi u siinayay oo arrintan su’aal laga waydiiyay ayaa ku jawaabay in haddii ciidamada booliiska ay qofka u yeeraan oo uu diido ay xaq u leeyihiin in ay soo raadiyaan oo ay xiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here