DHAGEYSO:Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka dhanka badda ee kala dhexeeya Itoobiya

0
217

Madaxweynaha dowladda jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa mar kale ka hadlay khilaafka arrimaha badda ku saleysan ee kala dhexeeya Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in ay umadda soomaaliyeed iyo caalamkaba u caddeynayaan in ay doonayaan in Itoobiya si la mid ah dalalka kale ay badda Soomaaliya ku soo gaarto qaab sharci ah.

Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta si rasmi ah u furay shirweynaha wadatashiga ee dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC.
Waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay daris-wanaagga iyo in la xoojiyo iskaashiga heer gobol, si waafaqsan danaha wadajirka ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dhiirri-gelinta maalgashiga iyo in dowladuhu si sharci ku wadaagaan fursadaha jira.
Waxaa uu maalgashatada ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan fursado badan oo ka jira gudaha Soomaaliya iyagoo dhinac iskaga dhigaya fikradaha khaldan ee ay horay ka aaminsanayeen Soomaaliya.

Dhanka kale , Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aynan si fudud ugu biirin Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee UNSC oo ay jireen shuruudo la buuxiyay iyo dadaal badan oo howlahan la geliyay isagoo u mahadceliyay waddammadii Soomaaliya guulahan ku garab istaagay.

Shirweynaha wadatashiga ee dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC oo soconaya labo cishe ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, khuburrada dhaqaalaha, safiirro iyo wakiillo ka socday jaamacadaha dalka Soomaaliya.
Waxaa lagu soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika, gaar ahaan fursadaha ugu jira ganacsatada iyo bulshada rayidka ah iyo sida looga faa’iidaysan karo ku biiridda jaaliyaddan.
Sidoo kale, khuburrada ayaa si qoto dheer u falanqeynaya hannaanka loo horumarinayo xiriirka ganacsi iyo midka bulshada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee ku bahoobay jaaliyadda EAC.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi iyo wadajir si loo horumariyo dhaqaalaha dalka, loona abuuro fursado shaqo oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here