Madaxweynaha oo sheegay in dibadbaxyadii dhacay ay ku dhinteen 19 qof

0
298

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caawa sheegay in dibadbaxyadii ka dhacay waddanka ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024 ay ku dhinteen 19 ruux.
William Ruto ayaa tani ku tilmaamay arrin nasiib darro ah oo aan marnaba loo baahnayn in ay qayb ka noqoto adeegsiga xuquuqda dimuqraadiyadeed.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dibadbaxyada lagu burburiyay hanti uu qiimaheedu yahay 2.4 bilyan oo shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in la gubay baarlamaanka, xafiiska barasaabka Nairobi ee City Hall iyo xafiiska madaxa cadaaladda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here