5 rag ah oo loo xiray in ay gabadh ku faraxumeeyeen Kilifi

0
286

Waxaa xabsiga ku jiro shan qof oo rag ah oo ku eedeysan in intii ay afduubteen ay faraxumeyn wadareed ah u gaysteen gabadh ay da’deedu tahay 16 sano jir.
Gabadhan ayaa dhigata fasalka 8-aad ee dugsi ku yaalla ismaamulka Kilifi ee gobolka Xeebta.
Baaritaannada dhacdadan ku saabsan ayaa socday tan iyo 16-kii bishan Lixaad.
Labada tuhmane ee kiiskan ugu muhiimsan ayay da’doodu tahay 42 iyo 63 sano waxaana lagu kala magacaaba Karisa Kashindo iyo Nderi Magure Mwatsuma .
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in muran dhuleed uu ka dhexeeyay aabaha dhalay gabadha la faraxumeeyay iyo ragga ku xadgudbay.
Waxaa afduubka fududeeyay eedeysane 21 sano jir ah oo lagu magacaabo Elijah Dadi Robert.
Sidoo kale waxaa xabsiga ku jiro labo eedeysanayaal oo dheeraad ah oo lagu kala magacaabo Fostine Kalu Tinga iyo Kelvin Kiti Sanga .
DCI-da ayaa laga soo xigtay in gabadha la afduubtay xilli ay ka timid dugsi maxalli ah oo ku yaalla aagga Mitangoni oo ay gurigooda ku wajahnayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here