Dhacdo argagax leh: Nin hal goob ku gowracay hooyadiis iyo abtigiis

0
242

Dhacdo naxdin leh ayaa caawa laga soo weriyay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, ka dib markii nin uu dilay Hooyadiis iyo Abtigiis.
Falkan xanuunka badan ayaa ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile, waxaana gaystay nin dhimirka ka xanuunsan.
Goobjoogayaal ka warramay dhacdadan ayaa sheegay in ninkaas uu dilka u adeegsaday Toorey, islamarkaana uu Hooyadiis gowracay.
Abtigiis oo isku dayay inuu duqda badbaadiyo ayuu isna dilay, kadibna waxaa la sheegay inuu ag seexday meydka Hooyadiis iyo Abtigiis.
Dadka deegaanka ayaa ku soo baxay guriga uu falkan ka dhacay, ka dibna waxaa la qabtay ninkii, iyadoo loo gacan geliyay laamaha ammaanka.
Sida ay inoo sheegeen dadkii deriska la ahaa, ninka ayaa la’aa dhimirka iyo dhegaha, waxaana adkaatay in la ogaado sababta ku kaliftay inuu sameeyo falkan argagaxa badan.
Ciidamada ammaanka ayaa sida la sheegay ninkii u kaxeeyey xarunta dembi baarista booliiska ee CID-da, halkaas oo baaritaan adag uu uga billowday.
Sidoo kale meydadka labada marxuum ee uu dilay ayaa la geeyay CID, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay in ninkaasi uu hal goob ku dilo Hooyadiis iyo Abtigiis.
Labada marxuun ayaa lagu kala magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Marxuumad Muraayo Maxamud Siyaad oo 55 jir ah Iyo Marxuum Yuusuf Muxumud Siyaad oo 85 sano jir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here