Xildhibaan Fowsiya oo si cad u sheegtay inay ka tanaasuleyn kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika

0
272

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday inaysan ka tanaasuleyn musharraxnimadeeda kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika oo doorashadiisa la qaban doono sanadka soo socda ee 2025-ka.
Waxay sheegtay in madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada qaar inay ka dalbadeen in ay isaga harto tartanka kursigaas sababo la xariira codsi ka yimid madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo kursigan u sharraxaya wasiirka arrimaha dibadda ee wadankaasi. “Madaxda dowladda iyo kuwa afar dowlad goboleed ayaa si cad iigu sheegay inaan ka tanaasulo musharraxnimada kursiga, waxaan isku dayay inaan ku qanciyo muhiimadda kursiga lakiin way surtagali weysay oo odayaasha waxay isku raaceen in kursiga aan ugu tanasulo Jabuuti oo u sharraxan, ma yeeli karo in mas’uuliyaddaasi dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaasi, taariikh madow ku xardhan yahay” ayay tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegtay in musharraxnimada kursigan markii horeba ay ku dhiiragaliyeen madaxda qaranka, islamarkaana haatan ay haysato codad ay ku kalsoon tahay inay kursigaas ku hanan karto.
Fowsiya Xaaji Yuusuf ayaa intaasi ku dartay in sidan oo kale Madaxweyne Xasan Sheekh sanadkii 2016-kii uga reebay kursiga doorashadan ay u sharraxneyd, waxayna xustay in xilligaasi Madaxweynaha uga reebay kaliya in Kenya u sharraxneyd kursigaas ka dalbatay inan u tanaasulno.
”Tiro labo jeer ayaa la ii diidan yahay la igana reebayaa kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika tartankiisa, waxana garan la ahay sababta la ii takoorayo , ma haweenimadaa mise waa sababo kale oo qarsoon, mansabkaas labo mar ayaa la iga hor istaagay, waa la tartamayaa haddii dowladaha ku heshiiyaan in looga horo midka ugu horreeya, balse lama arag qof in tartan aan wali la gelin dowlad kale darteed loga reebo” ayay tiri Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Ugu dambeyntii dhowr bilood ka hor ayay ahayd markii dowladda madaxweyne Xasan Sheekh sidaan oo kale ay uga hortimid inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku soo sharraxday madaxweynaha Baarlamaanka adduunka, waxaana dowladdu sheegtay inay Tanzania uga beddelatay ka harista kursigaas taageerada xubinnimada Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here