Qaar ka mid ah senatarrada Azimio oo dhaliil u jeediyay guddoomiyaha baarlamaanka

0
140

Senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna , dhigiisa Narok Ledama Ole Kina iyo Godfrey Osotsi oo ah senatarka dowlad deegaanka Vihiga ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula ku dhaliilay in uunan u oggolaan in ay goobjoog u noqdaan qaabka ay mudanayaasha uga doodayeen oo ayna ugu codeynayeen hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Waxay sheegeen in ay warqad codsi ah oo arrinkan ku aaddan ay u gudbiyeen karaaniga baarlamaanka balse aan laga aqbalin.
Waxay intaasi ku dareen in lagula taliyay in ay doodda iyo codeynta ka socoto baarlamaanka ka daawadaan telefishinnada si la mid ah kenyaanka kale.
Edwin Sifuna oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa arrintan ku sheegay mid laga xumaado.
Waxaa uu tilmaamay inuu yahay senatar la soo doortay sidaasi awgeedna aynan u suurageli karin inuu xildhibaannada ODM ku gobaabiyo in ay ka soo horjeestaan hindise sharciyeedka maaliyadda haddii aan loo oggolaan inuu doodda si toos ah ula socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here