Dowladda oo ka hadashay qorshaha isdhexgalka loo sameynaya qaxootiga iyo kenyaanka

0
346

Daneeyeyaal kala duwan ayaa soo dhaweeyay qorshaha isdhexgalka loogu sameynaya dadka qaxootiga ee ku nool xeryaha Dadaab iyo Kakuma iyo bulshada deegaanka.
War saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha joogtada ah ee waaxda socdaalka iyo adeegyada muwaadiniinta ee dalka Julius Kibet Bitok ayuu ku sheegay in daneeyayaasha ay isku raaceen in la bilaabo qorshahan isdhexgalka ah iyo dib u dejinta oo loogu magac daray Shirika Plan.
Qorshahan ayaa ah mid istaraatiiji ah oo lagu hubinaya in dadka qaxootiga ay noqdaan kuwo adkeysi leh oo si shakhsiyeed isugu filan.
Sidoon kale qorshahan ayaa lagu doonaya in xerooyinka qaxootiga loo beddelo meelo is isku dhaf ah loo deggan yahay oo laga hir geliyo dhammaan kaabayaasha adeegyada bulshada.
Julius Bitok ayaa xusay in qorshahan ay si wada jir ah u fulin doonaan dowladda Kenya, ismaamullada ay labada xero ku yaallaan, qaramada midoobay iyo hay’adda qaramada midoobay ee arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Waxaa uu intaasi ku daray in wajiga koowaad ee qorshahan ay ku bixi doonta dhaqaale dhan 115.6 bilyan oo shilin, wuxuuna socon doonaa muddo afar sano ah.
Dhaqaalahan ayuu sheegay inay bixin doonaan deeq bixiyeyaal iyo waxyo gaar loo leeyahay.
Kenya ayaa martigelisay in ka badan 700,000 oo qaxooti ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here