Wasiirka gaashaandhigga: Dowladdii Farmaajo waxay qorshaynaysay in qabuuraha Iskuul Buulisiya laga dhiso huteello ganacsi

0
131

Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamad Nuur ayaa sheegay in xukuumaddii hore ay gacanta ku haysay qorshe ku aaddan in dhulka qabuuraha loo adeegsado in laga dhiso huteel ganacsi.
Waxaa uu sheegay in qorshahaasi ay ka horyimaadeen culimada Soomaaliyeed, oo sheegay inay xaaraan tahay in dhulka qabuuraha loo adeegsado dano ganacsi oo gaar ah.
“Xukuumaddii madaxweyne Farmaajo dalab ayay culimada u gudbiyeen si qabuuraha Iskool Buluusiya ay huteello uga dhistaan culimaduna ugu Fatwooto balse waa laga diiday,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in siyaasiyiintii dowladdii hore ka tirsanaa inay suurad xumaynayaan qaabka ay haatan dowladda rabto in looga faa’iidaysto qabuuraha ku yaalla dhulka Iskuul Buulisiya.
Waxaa uu sheegay ib dhulka qabuuraha in loo dhisi doono oo ay isticmaali doonaan ciidanka badda Soomaaliya.
“Kalsoonida ugu horraysa ee dadku arki doonaan, waxay noqon doonta tallaabada ugu horraysa ee la qaado marka dhulka qabuuraha la baneeyo,”
Cabdiqaadir Maxamad Nuur ayaa xusay in dowladda aysan culimada ku qasbin inay ugu fatwoodaan dhulka qabuuraha in la baneeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here