Tirada dadka ku barakacay caalamka oo gaartay 117 milyan

0
82

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa warbixin ku sheegtay in tobankii sano ee ugu dambeeyay tirada dadka sida qasabka ah looga barakiciyay guriyahooda ee guud ahaan caalamka ay noqotay labo jibbaar.
Hay’adda ayaa xustay in maanta , daafaha dunida ay barakacayaal ku yihiin in ka badan 117.3 milyan oo qof.
Waxay tani micnaheedu tahay in caalamka oo dhan , 69-kii ruuxba uu mid ka mid ah barakac yahay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dhammaadkii bishii Afaraad ee sanadkan ay tiradan ahayd ugu yaraan 120 milyan oo ruux.
Barakicinta qasabka ah ayaa loo aaneeyay iskudhacyo , shaqaaqooyin, bartilmaameedsi iyo ku xadgudubka xuquuqul aadanaha.
Guddoomiyaha guud ee hay’adda UNHCR ,Filippo Grandi ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay ka sal gaarto waxyaabaha aasaaska ah ee sababo barakaca.
Barakacayaasha gudaha ee dalalka caalamka ee loo yaqaano IDPs ayay tiradoodu tahay 68.3 milyan oo qof.
Sidoo kale , waxaa sanadkii 2023-kii boqolkiiba 7 korortay tirada qaxootiga ee gudbay xuduudda caalamiga oo noqotay 43.4 milyan oo qof halka tirada dadka magangalyo-doonka ah ay korortay boqolkiiba 26 oo ayna noqotay 6.9 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here