Dab xalay saameeyay qaybta ay ardayda seexdaan ee dugsiga sare ee Highway

0
67

Waxaa uu xalay dab ka kacay mid ka mid ah qaybaha jiifka ee dugsiga sare ee Highway Secondary ee ismaamulka Nairobi.
Waxay qaybta gubatay hooy u ahayd in ka badan 80 arday.
Taliyaha booliiska ee Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in aan la soo tabin cid ay waxyeello ka soo gaartay dhacdadaasi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qaybta uu dabku saameeyay ay ahayd midii ugu waynayd ee ay ardayda seexanayeen.
Taliyaha ayaa laga soo xigtay in ay ka shakisan yihiin in goobtaasi si ula kac ah loo gubay balse ay wadaan baaritaano xaqiiqo raadin ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in ardaydii seexanayay qaybta uu dabka ka kacay loo wareejiyay meelo kale.
Maamulka dugsiga sare ee Highway ee ismaamulka Nairobi ayaa yeeshay kulan arrintan looga arrinsanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here