Xisbiga DAP-K oo shaaciyey in la xiray Panyako iyo Natembeya

0
625

Xisbiga The Democratic Action Party of Kenya (DAP-K) ee uu hoggaamiyo Eugene Wamalwa ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xabsiga loo taxaabay musharraxooda jagada xildhibaanannimo ee deegaanka Malava ee ismaamulka Kakamega Seth Panyako.
Waxay hay’adaha ammaanka ku eedeeyeen cabsi gelin iyo inay ku guul darreysteen xakameynta shaqaaqooyinka deegaankaasi.
Xisbiga ayaa laga soo xigtay in Panyako la geeyay saldhigga booliiska ee Malava saacado un ka dib markii la arkay muuqaal uu musharraxa ooynaya .
DAP-K ayaa si kulul u cambaareysay xarigga Seth Kuka Panyako oo ay ku tilmaameen iskuday lagu faragelinaya geeddisocodka dimuqraadiga isagana lagu aamusiinaya.
Waxay taageerayaashooda ugu baaqeen in ay is dejiyaan balse ay feejignaadaan.
Sidoo kale , waxay sheegeen in qaswadeyaal aan la aqoonsan ay xalay argagixiyeen musharraxa , ay dhaawaceen wakiillo sidoo kalena burburiyeen hantida Panyako.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka dab la qabadsiiyey baabuur uu leeyahay hoggaamiyaha xisbiga DAP-K,Eugene Wamalwa.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyey Manyonje oo ka tirsan deegaanka hoose ee Butali Ward.
Xisbiga oo sidoo kale sheegay in la xiray barasaabka ismaamulka Trans Nzoia , George Natembeya xilli uu ku wajahnaa Malava ayaa dalbaday in si degdeg ah loo soo siidaayo Seth Panyako.
Waxay dhanka kale dalbadeen in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo rabshad halkaasi laga soo tabiyey iyagoo ciidamada ammaanka ku eedeyay eexasho.
Booliiska ayaan weli ka jawaabin arrintan.