Koox dambiilayaal ah oo lagu xiray Magaalada Momabsa

0
42

Booliska Mombasa ayaa xiray laba tuhmane oo lala xiriirinayo falal dhac ah, waxayna soo heleen agab guri oo la xaday ka dib howlgal ay ka sameeyeen Kisauni, ee ismaamulka Mombasa.
Sida laga soo xigtay Adeegga Booliska Qaranka (NPS), saraakiisha Saldhigga Booliska Mjambere ayaa hawlgal ka sameeyay Barsheba, Kagujo iyo deegaannada ku hareeraysan, taasoo keentay in la xiro labada tuhmane iyo in la helo kayd elektaroonig ah iyo alaab guri oo la rumeysan yahay in ay dhaceen.
Labada qof ayaa la aaminsan yahay inay qayb ka yihiin shabakad dambiilayaal ah oo ka dambeysa dhowr xatooyo ah oo laga soo sheegay Kisauni iyo Kadzandani oo daris la ah.
Qaar ka mid ah alaabta la helay waxaa la aqoonsaday inuu lahaa arday 21 jir ah oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Mombasa (TUM), kaasoo hore u soo sheegay dhacdo xatooyo ah.
Tuhmanayaasha ayaa ku xiran Saldhigga Booliska Mjambere waxaana la filayaa in la soo taago maxkamad Isniinta maanta ah si ay u wajahaan dambi ka dhan ah fal xatooyo.
Ciidamada Booliska ayaa uga mahadceliyay dadweynaha xogta ay la soo wadaagaan taasoo fududaysay in gacanta lagu soo dhigo shabakadda burcadda ah.