Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay taliyaha ciidamada Mareykanka ee taliska Africom, Janaraal Dagvin RM Anderson.
Wafdiga oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africom, wuxuu kaloo la kulmay Janaraal Birhanu July oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya.
Labada mas’uul ayaa ka hadlay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen dalalka ay ku yaallaan xeryaha qaxootiga si loo helo xasillooni.
Sida ay sheegtay wasaarada difaaca Itoobiya, labada dal ayaa in muddo ah ka wada shaqeynayay arrimo badan oo ay ku jiraan militeriga.
Taliyaha ciidamada wuxuu sheegay in uu sii xoogeysanayo xiriirka militeri ee u dhexeeya Itoobiya iyo Mareykanka.
Janaraal Birhanu July waxa uu kaloo sheegay in Itoobiya ay sii wadeysoo dadaalkeeda ay ku wiiqeyso Al-shabaab si looga hortago arrimaha argagixisada iyo shirqooladooda, sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo ka mahadceliyay kaalinta Itoobiya ee gobolka looga hirgelinayo nabadda iyo xasiloonida, ayuu sheegay Janaraal Dagvin RM Anderson in dalkiisa uu sii wadayo dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda ka soo hor jeeda.
Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africom waxa uu sheegay in uu taageerayo nidaamka Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hesho bad iyadoo la marayo hab nabadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in uu rumeysan yahay in Itoobiya ay wax badan ka qabaneyso ammaanka marka ay awood u hesho in ay gaari karto Badda Cas.




