DHEGEYSO:Rabshado saameeyay deegaano dhowr ah

0
664

Waxaa lagu soo warramayaa in shaqaaqooyin ay ka dhaceen qaar ka mid ah deegaannada maanta lagu qabanaya doorashooyinka ku celiska ah.
Deegaanka Kasipul, waxaa lagu dhaawacay xildhibaanka Homa Bay Town ahna wakiilka sare ee xisbiga ODM Peter Kaluma.
Waxaa uu dhaawac fudud ka soo gaaray dhanka madaxa isagoo hoosta ka xarriiqay in ay weerareen taageerayaasha musharraxa madaxa bannaan ee Philip Aroko.
Kaluma, ayaa xilligaasi si dhow ula socday geeddisocodka codeynta.
Waxaa uu taageerayaasha ODM ugu baaqay in ay is dejiyaan oo aynan aargoosan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rabshadaha dhacay lagu waayay hub sarkaal ilaalinayay xildhibaanka.
Kursiga baarlamaanka ee Kasipul ayaa bannaanaaday ka dib markii xildhibaankii deegaankaasi Ongondo Were lagu toogtay magaalada Nairobi.
Musharraxa xisbiga ODM ee doorashada ku celiska ee Kasipul Boyd Were ayaa cambaareeyay weerarka lagula kacay xildhibaan Peter Kaluma.
Sidoo kale , waxay xiisad ka jirtay deegaanka Malava ee Kakamega ka dib markii musharraxa UDA David Ndakwa lagu eedeyay ku lug lahaanshaha weerar ka dhan ahaa Seth Panyako oo ay tartamayaan.
Deegaanka Magarini ee ismaamulka Kilifi, shacabka ayaa halkaasi ka eryay xildhibaanka Koonfurta Kilifi Ken Chonga oo ay ku eedeyeen inuu wakiil ahaan u shaqeynayay in kastoo aan la ansixin.
Sidoo kale , waxaa rabshad laga soo tabiyey afaafka dugsiga hoose dhexe ee Masikonde ee Narok.
Musharraxa xisbiga Jubilee ee doorashada deegaanka hoose ee Narok Town Ward Joshua Ole Kaputa ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkiisa ku aaddan geeddisocodka codbixinta.