Wafdi ka socday laamaha ammaanka ee WQ oo maanta gaaray Dadaab

0
271

Waxaa maanta Deegaanka Dadaab gaaray wafdi ballaaran oo ka socday laamaha ammaanka gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa wafdigan hoggaaminayay isku duwaha ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Mr . John Otieno.
Mas’uuliyiintan ayaa kulan looga hadlayay ammaanka deegaanada Faafi ,Dadaab iyo magaalada Liboi la qaatay guddoomiyaal xaafadeedka deegaanadan.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Dadaab ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaanka Laga soo doortay Dadaab Faarax Macallin Maxamad.
Waxaa si qoda dheer looga hadlay arrimaha amaanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hor tagga falalka amni darada ee ay geystaan kooxaha sida Al-Shabaab.
Mr .John Oteino oo ah isku duwaha dowladda dhexe u qaabilsan ammaanka gobolka Waqooyi Bari ayaa wacad ku maray in ay gacan bir ah ku qaban donaan isla markaana gobolka ka cirib tirayaan dadka gacan saarka la leh kooxaha amniga lidka ku ah.
Waxaa uu sheegay in amaanka iyo nabad galiyadu ay yihiin furaha nolasha, horumarka iyo wadiiqada lagu gaari karo hiigsiga wanaagsan.
Waxaa uu diginin adag u diray cid kasta oo isku dayda inay ammaanka khalkhal geliso.
In kastoo uu xusay in ay jireen falal amni xumo iyo qaraxyo ka dhacay deeganada xaduudka la wadaaga wadanka Somalia haddana wuxuu ciidamada amaanka ee gobolka ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan.
Ganacsiga sharci darrada ah ee arrimaha burcadda deegaanka iyo tacliinta ayuu si qoda dheer uga hadlay Mr. John Oteino.
Iskuullada dhawaan dib loo furay ayuu sheegay ardeyda ku biirtay fasalka koowaad ee dugsiyada sare in ay tahay tiro aad u badan ismaamullada Wajeer, Mandera iyo qeybo badan oo ka mid ah ismaamulka Garissa.
Waxaa uu xusay hayeshee in deeganka Dadaab ardeydii loo baahnaa inay wax barashada dugsiyada sare u soo xadiraan ay aad u yar yihiin markii loo eego deeganka faafi oo boqolkiiba 84 ardeydii fasalka kobaad ku biiri lahaa ay xadireen halka sida uu sheegay Dadaab boqolkiiba 45 ka mid ah ardeydii la rabay aysan wali iskuullada tagin.
Wuxuu guddoomiyaasha xaafadaha ku amray in ardeyda maqan la keeno iskuuladda sida ugu dhaqsaha badan laga bilaabo isbuuca soo socda.
Mas’uliyiinta dowlada dhexe ku matala deeganada kala duwan sida guddoomiye xaafadeedyada ayuu ku boriyay inay kormeer ku sameyaan masharicda iyo adeega dowlada ay kawado deganada wuxuuna gudoomiyasha xafadaha amar kusiyay inay si hufan ogu adegan shacabka isla markaana caqadabaha hesta bulshada ay lawadagaan xafiisyada ay khusayso si wax looga qabto
Dhankiisa xildhibaanka Dadaab Faraha macalin Mohamed oo gobta ka hadlay ayaa lamaha amaanka uga mahad celiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo degankaas ka qabtaan wuxuuna balan qaday in shacab iyo masuliyiinba ay diyaar u yihiin lashaqeenta xumada xilka hesta iyo lamaha amaanka sifo looga gulesto iskudayada koxaha amaanka lidka ku ah sida uu hadalka u dhigay