Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Nairobi ku amray inay howlgallo ka sameeyaan geerishyada ku lugta leh falalka sharci darrada ee shidaalka.
Xilli uu booqday aagga Mradi ee deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi oo xalay laga soo tabiyay qarax gaas ka dhashay ayuu Gachagua hoosta ka xarriiqay inay jiraan baabuur la geeyo geerishyada iyadoo laga dhigaya inay halkaasi u tagayaan dayactir balse ay gaas ama shidaal shubayaan.
Waxaa qaraxii gaaska ee xalay ku dhintay ilaa 3 qof halka ugu yaraan 280 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ku dhawaad saqdii dhexe ee xalay ayay ahayd markii ay qarxeen haamaha shidaalka oo uu siday baabuur xamuul ah waxaana taasi ka dhashay dab xooggan oo waxyeello gaystay.
Rigathi Gachagua ayaa kenyaanka ku boorriyay inay ka qayb qaataan sidii loo caawin lahaa dadka ay waxyeelladu soo gaartay.




