Dowladda oo sheegtay in la baaraya qaraxii gaaska ka dhashay ee Embakasi

0
238

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in baaritaan lagu sameynaya qaraxii gaaska ka dhashay ee xalay laga soo tabiyay xaafadda Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Wasaaradda ayaa hoosta ka xarriiqday in maamullada kala duwan ay dhacdadaasi si degdeg ah uga falceliyeen.
Qoraalka waxaa ku cad in goobtaasi loo aqoonsaday meel uu fal dambiyeed ka dhacay oo hadda kormeer laga sameynaya.
Sidoo kale waxaa la aasaasay xarun dhexe oo loogu tala galay isku dubaridka howlaha wada xiriirka ehellada dhibbanayaasha iyo adeegyada gurmadka.
Dhanka kale Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku deeqday agab loo adeegsanaya in daaweyn maskaxeed ay helaan dadkii ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii gaaska ka dhashay ee abaare 11:30 daqiiqo ee habeenimo ee xalay laga soo tabiyay aagga Mradi ee deegaan baarlamaneedka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Deeqdan ayaa ku kacaysa qiimo lacageed oo dhan 4,937,331 oo shilin una dhiganta 40,000 oo doolar.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay wakiilka WHO ku matalo Kenya Abdourahmane Diallo oo goobta ay dhibaatadan ka dhacday booqday.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda caafimaadka Mary Muthoni Muriuki ayaa sheegtay in agabkan ay ka faa’iidaysan doonaan ilaa 500 oo qof oo ku gubtay dab qaraxaasi ka dhashay.
Sidoo kale waxaa la caawin doonaa dadka ku jiro qaybaha daryeelka degdegga ee ICU-da ee u baahan qalliinnada.