Ugu yaraan todobo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay suuqa Kijauri ee degmada Borabu ee ismaamulka Nyamira.
Shilkan ayaa waxaa sababay ka dib markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah oo waday caleenta shaaha iyo matatuuda dadweynaha.
Darawalkii waday gaariga xamuulka ah ayaa la sheegay in uu xakmaynta ama koontaroolkii lumiyay, kadibna uu ku dhacay mataatu
Waxaa uu sido kale jiiray dad ku ganacsanayay gudaha suuqa Kijauri.
Lix qof ayaa isla goobta ku dhintay, halka mid kalena uu geeriyooday xilli lagu daweynayay Isbitaalka Summit.
Dhowr qof oo kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan waxaana loola cararay isbitaalada kala duwan ee ku yaala Degmada Boorabu si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Meydadka dadka dhintay ayaa la geeyay qolka meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka St. Joseph Nyansiongo.
Waxaa laga cabsi qaba in dhimashada ay sii korarto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah.




