DHEGEYSO:Rigathi Gachagua oo ka digay dibadbaxyo iyadoo waqtiga kama dambaysta ah ee mucaaradka u qabtay arrinta qiimaha shidaalka uu soo dhowaanayo

0
54

Hoggaamiyaha xisbiga DCP Rigathi Gachagua, ayaa sheegay in waqtigii muddada 7-da maalmood oo ay mucaaradka u qabteen madaxweyne William Ruto si loo yareeyo qiimaha shidaalka uu sii dhamanaayo isagoo ka digay inay dhici doonaan dibadbaxyo dalka oo dhan ah.
Gachagua ayaa sheegay in kororka qiimaha shidaalka uu yahay mid aan loo baahnayn, isla markaana uu si toos ah u saameynayo nolosha Kenyaanka. Waxaa uu ku adkeystay in shacabka ay horeyba u wajahayaan culays dhaqaale oo sare, sidaas darteedna aan la aqbali karin koror kale oo qiimo ah.
Wuxuu sidoo kale si adag uga jawaabay hadallo ka soo baxay madaxweyne Ruto oo mucaaradka ku tilmaamay “koox dhibaato qabta”, isaga oo sheegay in arrinta shidaalka ay tahay mid dhab ah oo saameynaysa nolol maalmeedka shacabka, ee aysan ahayn arrin siyaasadeed oo kaliya.
Hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban cabashada la xiriirta qiimaha shidaalka, ay bilaaban doonaan mudaaharaadyo ballaaran oo dalka oo dhan ka dhaca, isagoo ku adkeystay in dowladda ay waajib ku tahay inay dhegeysato codka shacabka.