Madaxweynaha dalka oo maanta munaasabad ku qaban doona ismaamulka Elgeyo Marakwet

0
425

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah uu guddoomin doono xafladda 9-aad ee ilaalinta keymaha Kabtagat oo lagu qabanayo magaalada Kapchorwa ee ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Iyadoo ka hadlaysay magaalada Kapchorwa, wasiirada deegaanka iyo kaymaha Deborah Barasa ayaa ugu baaqday dadka Kenyaanka ah inay taageeraan hadafka madaxweyne Ruto ee ah beerista 15 bilyan oo geed marka la gaaro sanadka 2032-ka.
Mrs Barasa waxa ay hoosta ka xariiqday muhiimada uu leeyahay Xeerka Maareynta Kaymaha si loo ilaaliyo ilahan muhiimka ah.
Waxay daaha ka qaaday in 90% kaynta Kabtagat dib loo soo celiyay, taasoo horseeday horumar xagga habnololeedyada bulshada ah.
Madaxa Adeegga Dadweynaha Dr. Felix Koskei ayaa shaaca ka qaaday in Qaranka uu ku guulaystay in uu dib u soo celiyo boqolkiba 36% oo ka mid ah kaymaha, taas oo ay ka faa’iidaysanayaan dadka deegaanka.