Qof 3-aad oo loo haysto dilkii Gacala Aadan oo maxkamad la soo taagay

0
1017

Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in maanta maxkamadda sare ee magaalada Garissa la soo taagay eedeysane saddexaad oo lala xiriirinaya dilkii Gacala Aadan oo ahayd gabadh 17 sano jir ah oo lagu dilay ismaamulka Wajeer.
Qareenka matalayay waaxdan Mr. Bernard Owour ayaa maxkamadda u sheegay in Mussa Sheekh iyo shakhsiyaad kale ay dileen Gacala oo ahayd gabadh ka soo jeedda qaxootiga.
Dilkaasi ayaa 22-kii bishii Saddexaad ee sanadkan ka dhacay Koonfurta Lolkuta, tuulada Wara oo ka tirsan degmada Hadaado ee ismaamulka Wajeer.
Tuhmanaha ayaa dacwadda lagu soo oogay ka dib labo mar oo lagu sameeyay baaritaan maskaxeed taasoo xaqiijisay in dacwad lagu qaadi karo.
Hasa ahaate, waxaa uu iska fogeeyay dacwadda.
Waxaa horay kiiskan maxkamadda loogu soo taagay Maxamad Kassim Tiffow oo ahaa ninkii loo guuriyay Gacala iyo Aadan Maxamad Axmad.
Sidoo kale , waxay labaduba horay iskaga fogeeyeen eedeynta ah in ay dileen gabadha.
Garsoore John Onyiego oo ay ka soo hormuuqdeen ayaa amray in tuhmaneyaasha lagu siidaayo damaanad ah hal milyan halka dacwadooda mar kale la soo qaadi doono 7-da iyo 8-da bisha Tobnaad ee sanadkan.