Waxaa la xaqiijiyey inuu caafimaad qabo senatarka ismaamulka Siaya ahna hoggaamiyaha xisbiga ODM Oburu Oginga Odinga.
Wiilkiisa oo lagu magacaabo Jaoko Oburu Odinga ayaa arrinkan bayaan ka soo saaray.
Waxaa uu sheegay in Senatarka uu nasasho kooban ku tagay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo lagu wado inuu dhawaan waddanka dib ugu soo laabto.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee la xiriira inuu xanuunsan yahay Oburu Odinga.




