DHEGEYSO:Doorashooyin ku celis ah oo maanta ka dhacaya qaybo ka mid ah Kenya

0
612

Waxaa maanta la qabanaya doorashooyin ku celis ah oo gaaraya ilaa 22 kuwaasoo ka dhacaya qaybo ka mid ah dalka.
Xilalkan loo tartamaya ayaa isugu jiro kuraasta baarlamaanka oo dhan 6 , jagada senatarnimo ee ismaamulka Baringo halka inta kale ay yihiin deegaannada hoose ee loo yaqaano Wards ee ismaamullada oo ay ka mid tahay Fafi Ward oo ka tirsan ismaamulka Garissa.
Xildhibaannada maanta la dooranaya ayaa baarlamaanka ku matali doono deegaannada Waqooyiga Mbeere ee ismaamulka Embu, Banisa oo ka tirsan Mandera ,Magarini ee ismaamulka Kilifi , Kasipul oo hoos tagta Homa Bay , Ugunja oo ka tirsan Siaya iyo Malava ee dowlad deegaanka Kakamega.
Jagooyinkan ayaa bannaanaaday ka dib markii mas’uuliyiintii hayey ay geeriyoodeen , qaar ka mid ah loo magacaabay xilal wasiirnimo ama ay guushoodii laashay maxkamadda.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa kenyaanka u xaqiijiyey in codeynta ay u dhici doonto si xor iyo xalaal ah.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Erastus Edung Ethekon ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan marnaba u dulqaadan doonin dembiyada la xiriira doorashooyinka sida shaqaaqooyinka , laaluush qaadashada iyo wax la mid ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale , siyaasiyiinta mucaaradka ay sheegeen inuu jiro qorsho ku aaddan in natiijada doorashada ee deegaannada qaar lagu shubto.
Hasa ahaate, xisbiga talada dalka haya ee UDA ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta ka timid hoggaamiyaasha mucaaradka.
UDA ayaa laga soo xigtay in xubnaha mucaaradka ay u muuqdaan kuwa dareemay in loogaga adkaan doono doorashooyinka ku celiska ah.
Goobaha codbixinta oo furmay abbaare 6-dii aroornimo ee maanta ayaa la xiri doonaa 5-ta galabnimo.
Amniga goobaha codbixinta ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen uu sheegay in aan la oggolaan doonin in dadka codeeyay ay ku sii sugnaadaan goobta.
Waxaa uu shacabka ku boorriyey in marka ay codkooda dhiibtaan ay guriyahooda ku laabtaan ayna sugaan natiijada.
Wasiirka iyo taliyaha guud ee ciidanka booliiska Douglas Kanja ayaa wacad ku maray in tallaabo adag oo sharciyeed laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal geliso habsami u socodka doorashooyinka ku celiska ah.
Qaar ka mid ah dadweynaha saaka u soo baxay in ay codkooda dhiibtaan ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.