Maxkamadda ogolaatay in Samson Talaam loo qaado isbitaalka Kenyatta si uu u helo daaweyn

0
442

Maxkamadda ayaa ogolaatay in taliyihii hore ee saldhigga dhexe ee booliiska Nairobi Samson Talaam, oo wajahaya dacwad dil ah, loo qaado isbitaalka Qaran ee Kenyatta si uu u helo daaweyn gaar ah.
Qareenkiisa Stanley Kangahi ayaa maxkamadda u sheegay in Talaam uu la ildaran yahay dhibaato caafimaad oo la xiriirta xanuun hore oo ku dhacay kelyaha. Waxaa uu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaatay toddobaadyadii u dambeeyay, islamarkaana uu u baahan yahay baaritaan iyo qiimeyn degdeg ah oo ay sameeyaan dhakhaatiir takhasus leh.
Dacwad oogaha ayaa sheegay in uusan diidanayn codsigaas. Maxkamadda ayaa amartay in Talaam ay booliiska u kaxeeyaan isbitaalka si uu ula kulmo dhakhtar takhasus leh, isla markaana warbixin caafimaad la soo gudbiyo ka dib baaritaanka.
Dacwadda ayaa mar kale la soo hadal qaadi doonaa 17-ka bishan Maarso, si loo sii wado dhageysiga, isla markaana loo xaqiijiyo in la helay muuqaallada kamaradaha amniga ee la xiriira kiiska.