Hoggaamiyeyaasha UDA ee gobolka Xeebta oo diiday baaqyo ku aaddan in jagada ku xigeenka madaxweynaha loo qoondeeyo ODM

0
418

Hoggaamiyeyaasha xisbiga UDA ee ka soo jeeda gobolka Xeebta ayaa ka soo horjeestay baaqyo ku aaddan in jagada ku xigeenka madaxweynaha loo qoondeeyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga ODM. Waxaa ay sheegeen in doorashada qofka la tartamaya madaxweynaha ay tahay go’aan uu si gaar ah u qaadanayo Madaxweyne William Ruto ka hor doorashada guud ee 2027.
Hoggaamiyeyaasha oo uu hor kacaayay xoghayaha guud ee UDA Xasan Cumar, ayaa dhaliilay dadaallo ay wadaan siyaasiyiin doonaya in Wasiirka Macdanta Xasan Cali Joho loo tixgeliyo jagadaas. Xasan Cumar ayaa sheegay in riixidda musharrax gaar ah ay ka dhigayso jagada ku xigeenka madaxweynaha abaal marin siyaasadeed halkii ay ka ahaan lahayd go’aan madaxweyne.
Hadalkan ayaa lagu sheegay kulan iyo casho afur ah oo ka dhacay Xaruunta Dhaqanka Sawaaxiliga, halkaas oo ay ku kulmeen hoggaamiyeyaasha isbahaysiga ee gobolka Xeebta iyo mas’uuliyiin sare oo dowladda ka tirsan. Xasan Cumar ayaa sidoo kale sheegay in saamaynta siyaasadeed ee gobolka ay isbeddashay tan iyo doorashadii 2022, islamarkaana aan mar dambe lagu qeexi karin hal hoggaamiye oo keliya.
Dhankiisa, afhayeenka Aqalka Senate-ka Amason Kingi, ayaa sheegay in inkastoo wada hadallo u dhexeeya labada xisbi ay socdaan, haddana madaxweynaha uu xor u yahay inuu doorto ku xigeenkiisa. Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ugu baaqeen taageerayaashooda in la kordhiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha, gaar ahaan ismaamulka Kilifi, si loo xoojiyo awoodda siyaasadeed ee gobolka.