Ciidamada Iiraan ayaa ku hanjabay in ay beegsan doonaan “xaruumaha dhaqaalaha iyo bangiyada” la xiriira hay’adaha Maraykanka iyo Israa’iil ee gobolka, iyagoo ku eedeeyay in weerar lagu qaaday bangi ku yaal Iiraan.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in shirkado tiknoolajiyadeed oo ka shaqeeya dalalkaKhaliijka, sida Google, ay noqon karaan bartilmaameedyo sharci ah, sida ay werisay wakaaladda wararka **Tasnim**.
Dhanka kale, Israa’iil ayaa kordhisay weerarrada ay ka waddo Lubnaan, halkaas oo ugu yaraan 15 qof lagu dilay maanta. Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in tan iyo markii dagaalka bilowday ay barakaceen ku dhowaad 780,000 qof.
Sidoo kale, Howlgalka Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in ugu yaraan laba markab lagu dhuftay walxo aan la garanayn. Mid ayaa ku dhowaa magaalada Dubay, halka kan kalena uu ku sugnaa Marinka Hormuz. Dhanka kale, Xafiiska Warbaahinta Dubay ayaa sheegay in afar qof ay dhaawacmeen ka dib markii laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay ku dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha ee Dubay.




