Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladdu ay si wayn u sugtay amniga meelaha maanta lagu qabanaya doorashooyinka ku celiska ah.
Waxaa uu xusay in tani lagu xaqiijinaya in codeynta ay u dhacdo si aan lahayn farogelin.
Kenyaanka ayuu ku boorriyey in ay adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiga ah oo ay doortaan madaxda ay rumeysan yihiin in ay wax u qaban doonaan.




