IEBC oo war ka soo saartay doorashooyinka ku celiska ah

0
201

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa sheegay in doorashooyin ku celis ah ay ka socdaan qaybo ka mid ah waddanka.
IEBC ayaa qoraal ku xaqiijisay in goobaha codbixinta ay furmeen abbaare 6-dii arroonimo ee saaka oo la xiri doono 5-ta galabnimo.
Guddiga ayaa hoosta ka xarriiqay in waqti kasta oo lumay dib looga dari doono xilliga codeynta iyadoo wixii ka dambeeya 5-ta galabnimo ee maanta , dadka ku jira safafka loo oggolaan doono in ay codkooda dhiibtaan.
IEBC ayaa intaasi ku dartay in codbixiyeyaasha lagu aqoonsanaya diiwaankii 2022-kii iyadoo la adeegsanaya hannaanka iskudhafka ee lagu maareeyo doorashada ee (KIEMS).
Diiwaankan ayaa lagu soo bandhigay goobaha codbixinta si loo xaqiijiyo xogaha dadweynaha.