Madaxa militariga Israa’iil Herzi Halevi ayaa sheegay in ay falcelin adag ka bixin doonaan weerarkii loo adeegsaday in ka badan 300 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo ee ay ku bartilmaameedsatay Iiraan.
Waxaa uu sheegay in aynan doonayn inay sii ballaariyaan dagaalka balse sida uu hadalka u dhigay ay jari doonaan gacan kasta oo soo weerarta.




