Agaasimaha guud ee maamulka maareeya shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga ee PSRA , Fazul Maxamad ayaa shirkadahan ku amray in ay si degdeg ah u joojiyaan lacagaha bil kasta laga jaro ilaalada gaarka ah ee lagu biiriyo dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in kastoo ay ilaalada gaarka ah qaataan mushaar yar sidoo kalena aynan matalaad ku lahayn COTU in ay tobaneeyo sano bil kasta COTU ku wareejinayeen 150 ilaa 600 oo shilin.
Fazul ayaa xusay in dalladda COTU ay diidday in ay ka soo baxdo ama ay dayacday mas’uuliyaddii ka saarnayd u ololeynta xuquuqda ilaalada gaarka ah, in mushaaraadka loo kordhiyo sidoo kalena la wanaajiyo daryeelka guud ee saraakiishan.
Maamulka PSRA ayaa xusay inuu si firfircoon u baaraya qaabka ay COTU u maareyso lacagaha ka soo gaaro ilaalada gaarka ah.
PSRA ayaa sheegtay in ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta hal-beegyada dhanka xakameynta si loo hubiyo xuquuqda iyo daryeelka ilaalada gaarka ah.




