Shan qof oo ku dhintay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka fulisay koonfurta Lubnaan

0
41

Warbaahinta Qaranka Lubnaan ee NNA ayaa sheegtay in shan qof ay ku dhinteen duqeyn cirka ah oo Israa’iil ka fulisay magaalada Ansariyah ee koonfurta Lubnaan.
Duqeynta ayaa sidoo kale lala beegsaday deegaanka Qadmus ee isla koonfurta dalka, halkaas oo kooxaha difaaca rayidka iyo gurmadka degdegga ah ay ka soo saareen afar meyd iyo saddex qof oo dhaawac ah.
Sida ay wararka sheegayaan, ciidamada gurmadka ayaa si degdeg ah uga howlgalay goobaha la duqeeyay si loo soo badbaadiyo dadka ku waxyeeloobay weerarka.
Dowladda Lubnaan ayaa sheegay in khasaaraha uu ka dhashay duqeymo isdaba joog ah oo ka dhacay koonfurta dalka, halkaas oo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.