Eedeysanayaal uu ka mid yahay barasaabkii hore ee Murang’a oo lagu amray in ay tagaan xarunta EACC

0
210

Siddeed eedeysanayaal oo uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee ismaamulka Murang’a Mwangi Wa Iria ayaa laga sugaya in ay saaka iska xaadiriyaan xarunta dhexe ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ee magaalada Nairobi.
Tuhmanayaasha oo ay ka mid tahay xaaska barasaabka, Jane Waigwe Kimani ayaa lagu eedeyay inay ku dadaalayaan in aan la xirin.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii ay EACC eedeysanayaasha u qabatay ilaa abaare 8-dii subaxnimo ee maanta.
Waxaa loo haystaa in intii u dhexeysay sanadkii 2015-kii ilaa 2016-kii ay lunsadeen 140 milyan oo shilin.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in ay ku qanacday gal-dacwadeedka uu soo gudbiyay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC oo baaritaano sameeyay.
Wa Iria iyo shakhsiyaadka kale ayaa ku eedeysan in ay baal mareen xeerarka u degsan bixinta qandaraasyada .
Waxay si sharci darro ah qandaraasyada u siiyeen shirkadaha kala ah Top Image Media Consultancy Limited iyo Value View Limited.
Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Patrick Kagumu Mukuria, Jane Wanjiru Mbuthia, David Maina Kiama, David Mamma Njeri, Solomon Mutura Kimani iyo Peter Muturi Karanja.
Dadkan ayaa isugu jiro agaasimayaasha shirkadahan iyo shaqaale xilligaasi ka tirsanaa dowladda hoose ee ismaamulka Murang’a.
Guddoomiyihii hore ee Murang’a ayaa dhawaan sheegay in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan oo aan lagu cabsi gelin karin.
Waxaa uu wacad ku maray inuu sii wadi doono u ololeynta danaha kenyaanka iyo inuu ka hadlo qaladaadka maamulka talada haya.