Sidee waye xaaladda Bariga Dhexe maalintii 46-aad ee dagaalka?

0
101

Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii wada xiisadda diblomaasiyadeed ee sii xoogeysanaysa, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in weli fursad u furan tahay heshiis lala gaaro Iiraan, inkastoo Mareykanka uu xannibay dekedaha dalkaas. Isla waqtigaas, Israa’iil ayaa sii kordhisay duullaanka ay ka waddo koonfurta Lubnaan, taas oo xaaladda gobolka ka dhigtay mid aad u kacsan.
Iiraan ayaa Mareykanka ku eedeysay “burcad-badeednimo” ka dib tallaabooyinka lagu xakameeyay maraakiibta u sii maraya marin biyoodka Hormuuz. Tallaabadan ayaa keentay mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay magaalada Tehran, halkaas oo kumannaan qof ay ku muujiyeen caro ka dhan ah xayiraadahaas.
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iiraan (IRGC) ayaa ka digay in xaaladda ay sii xumaan karto, iyagoo sheegay in Iiraan ay weli haysato “awoodo aan la adeegsan” oo ay adeegsan karto haddii xiisadda ay ka sii darto. Sidoo kale, ciidamada Iiraan ayaa xannibaadda ku tilmaamay mid sharci darro ah oo khatar gelin karta maraakiibta ku sugan Gacanka Faaris.
Dhanka kale, Pakistan ayaa soo jeedisay in magaalada Islamabad lagu qabto wareeg labaad oo wadahadallo ah oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, halka Qatar ay ku baaqday dhexdhexaadin si xal loo gaaro. Waxaa sidoo kale socda dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ka qeyb qaadanayaan dalal kala duwan, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay saameynta dhaqaale ee sii kordheysa ee xiisadda, gaar ahaan marin biyoodka Hormuuz oo lagu soo warramay in ku dhowaad 20,000 markab ay saameyn ku yeeshay.