Khasaare ka dhashay duqeymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ku qaaday koonfurta Lubnaan

0
91

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan (NNA) ayaa sheegtay in duqeymo cusub oo xagga cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil ay ku dhaceen qaybo ka mid ah koonfurta dalkaas.
Mid ka mid ah duqeymaha ayaa lagu beegsaday dhisme hore oo dowladda hoose oo ku yaalla magaalada Aadloun, taas oo sababtay dhaawacyo. Duqeyn kale ayaa lagu garaacay guri ku yaalla magaalada Deir Intar, sida ay sheegtay wakaaladda NNA.
Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo maanta lagu wado in danjirayaasha Lubnaan iyo Israa’iil ay ku kulmaan magaalada Washington, D.C. ee Mareykanka taas oo noqonaysa kulankii ugu sarreeyay ee u dhexeeya labada dhinac muddo sannado ah.