Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) ayaa saraakiisha ammaanka, saamileyda siyaasadeed iyo shacabka ku boorriyey in ay nabad galyada ku dadaalaan xilli maanta ay dhacayaan doorashooyin ku celis ah.
Guddigan oo bayaan soo saaray ayaa walaac ka muujiyey rabshado xilligii ololaha doorashada ka dhacay Kasipul halkaasi oo labo qof lagu dilay.
KNCHR ayaa xustay in ay si adag u cambaareynaysa shaqaaqo kasta oo siyaasadeed , cabsi gelin, burburin hantiyeed iyo adeegsiga awood xad dhaaf ah.




