Dowladda oo racfaan ka qaadanaysa go’aankii maxkamadda ee ka dhanka ahaa CAS

0
337

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi ayaa maxkamadda u gudbiyay codsi ku aaddan in dowladda dhexe ay doonaysa inay racfaan ka qaadato go’aankii ay maxkamadda sare ee dalka Isniintii waxba kama jiraan uga soo qaaday tallaabadii uu madaxweyne William Ruto ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha oo gaaraya 50.
Waxaa uu qorshuhu yahay in arrinkan abaare 9-ka subaxnimo ee maanta ay soo hadal qaado garsoore Mugure Thande..
Go’aankii maxkamadda ayaa lagu saleeyay in keliya dadweynaha horay looga qayb geliyay oo ay ka ra’yi dhiibteen magacaabidda 23 ah xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ee loo yaqaano CAS balse tallaabadii uu madaxweynaha dalka William Ruto tiradan ugu kordhiyay 27 dheeraad ah ay ahayd sharci darro.
Garsoorayaasha kala ah Kanyi Kimondo iyo Aleem Visram ayaa sheegay in gebi ahaanba 50-ka xoghayeyaasha sare ee maamulka wasaaradaha aan loo baahnayn maadaama ay u badan tahay in shaqooyinkooda ay la mid yihiin kuwa xoghayeyaasha joogtada ah.
Hasa ahaate garsoore Hedwig Ong’undi oo qayb ka ahayd dhageysiga dacwadda ay geeyeen ururka qareennada dalka ee LSK iyo hay’adda aan dowliga ahayn ee bixisa adeegyada sharciga ee Katiba Institute ayaa dhankeeda sheegtay inay sharci tahay magacaabidda 23 mas’uul balse tirada dheeraadka ah aynan waafaqsanayn dastuurka dalka.