Migori: 4 qof oo dhintay ka dib markii la sumeeyay

0
327

Waxaa lagu soo warramayaa in afar qof ay ku dhinteen ismaamulka Migori halka ilaa 8 kalena isbitaalka la dhigay si loo daaweeyo.
Ciidamada ammaanka ee galbeedka Kuria ayaa qabo shaki ah in dadkan la sumeeyay.
Taliyaha booliiska ee deegaankaasi, Mr.Cleti Kimaiyo ayaa warbaahinta u sheegay inay heleen warbixin uga timid shacabka ku nool tuulooyinka Kubweye iyo Kunguku.
Siddeeda qof ee xaaladooda caafimaad lala tacaalaya ayaa la geeyay isbitaalka Samjomen .
Kimaiyo ayaa intaasi ku daray in saraakiisha ka howlgalo saldhigga booliiska ee degmada Isebania ay halkaasi gaareen.
Magacyada afarta qof ee geeriyooday ayuu ku kala sheegay David Marwa oo 52 jir ahaa ,Nyasenso Hisingo (55) ,Mwita Manaigwa (45) iyo Samson Moti oo ( 52 sano jir ahaa).
Taliyaha ayaa laga soo xigtay in siddeedda qof ee la rumeysan yahay inay sidoo kale cuneen cunto sumeysan oo ay isticmaaleen khamri sharci darro ah loo sii gudbiyay isbitaalka heerka afaraad ee ismaamulka Migori si ay u helana daryeel dheeraad ah.
Warbixinta xarunta caafimaad ee Samjomen ayaa muujinaysa in shakhsiyaadka ay la soo darseen dhibaatooyin dhanka neefsashada ah, matag , shuban iyo calool xanuun.