3 qof oo loo xiray dhaca mootooyinka

0
305

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex eedeysanayaal oo lala xiriirinaya falal burcadnimo oo lagu dhacay mootooyin.
Shakhsiyaadkan ayaa loo haystaa in mootooyinka ay dhacaan ay geyn jireen magaalada Loitoktok ee ismaamulka Kajiado ka hor inta aynan u sii gudbin dal Kenya daris la ah si halkaasi loogu sii iibiyo.
Dadka la xiray ayaa kala ah Agnes Wambui ,Daniel Mwaniki iyo William Nkadanyo oo loo yaqaano Saningo.
DCI ayaa intaasi ku dartay in xatooyada mootooyinka inta badan laga gaysan jiray xaafadda Ongata Rongai ee ismaamulka Kajiado iyo Diani oo ka tirsan dowlad deegaanka Kwale.