Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in dagaalka lagula jiro argagixisada iyo falalka kale ee khatarta ku ah amniga qaran uu noqdo mid joogto ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay dhisidda saldhigyo dheeraad ah , dib u eegista awoodaha dhanka howlgallada ee ciidamada iyo dejinta tallaabooyin ku aaddan xal waara.
Kindiki ayaa wada hadallo la yeeshay ciidamada xerada dhawaan la sameeyay ee Salama Camp ee ismaamulka Lamu, qaybaha bulshada iyo barasaabka dowlad deegaankaasi Issa Timamy




