DHAGEYSO:Howlgallo ka dhan caanaha oo laga sameeyay Islii xilli uu iska hor imaad dhexmaray ganacsatada xaafadda iyo booliiska

0
354

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi oo kaashanaya saraakiisha waaxda canshuuraha dalka ee KRA iyo waaxda tayadhowrka badeecooyinka ee wadanka ee KEBS ayaa xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi ka sameeyay howlgallo ka dhan caanaha ay soomaalida u taqaano booraha gaar ahaan kuwa carruurta la siiyo.
Waxaa uu isku dhac dhexmaray ciidamada booliiska ee ka hortagga rabshadaha iyo qaar ka mid ah ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa u adeegsaday ganacsatadii ay iska hor imaadeen, kuwaas oo si weyn uga soo horjeestay howlgallada ka dhanka caanaha ay xaafadda.
Waxaa dhowr saacadood hakad ku yimid qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee xaafadda Islii.
Waxaa howlgallada booliiska cambaareeyay Maxamad Ismaaciil Shiine oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee caasimadda dalka ee Nairobi.

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kamukunji oo ay hoos timaado xaafadda Islii ee ismaamulka Nairobi Yuusuf Xasan ayaa dhankiisa si weyn u cambaareeyay howlgallada ka dhanka ah caanaha ee laga sameeyay xaafadda ay soomaalida ku badan tahay.
Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay caddeyso in caanahan la mamnuucay si ganacsatada aysan wax khasaare ah ula kulmin.

Bishii hore ayay ahayd markii 7 qof oo ganacsato ah la soo taagay maxkamad, kuwaas oo la sheegay in ay iibinayeen caano ay dowladda ku tilmaantay inay sharci darro yihiin.