Xoghayaha amniga gudaha ee Maraykanka oo xil ka qaadis lagu sameeyay

0
376

Xeer dejiyaasha golaha wakiillada ee Maraykanka ayaa xilkii uu hayay ka xayuubiyay xoghayaha amniga gudaha ee xukuumadda Washington ,Alejandro Mayorkas.
Tani ayaa timid ka dib iskuday labaad oo la sameeyay.
Waxaa xil ka qaadista Mayorkas codkooda ku taageeray 214 xubnood halka 213 kalena ay ka soo horjeesteen.
Xoghayaha ayaa lagu eedeyay dhacdooyin kordhay oo Maraykanka si sharci darro ah looga soo galo dhanka dalka Mexico.
Xildhibaannada ayaa meel mariyay labo mooshin oo ku saabsanaa in Mayorkas uu si ula kac oo xiriir ah iskaga diiday dhaqangelinta xeerka socdaalka iyo inuu lumiyay kalsoonida shacabka.
Waxaa uu noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo isagoo wasiir ah xil ka qaadis lagu sameeyay ku dhawaad 150 sano.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xil ka qaadista xoghayaha amniga gudaha ku tilmaamay bartilmaameedsi siyaasadeed.
Waxaa uu wakiillada ku eedeyay inay baal mareen dastuurka oo ay xil ka qaadeen mas’uul si sharaf leh ugu adeegayay dadkiisa.