Waxaa maanta magaalada Garissa lagu qabtay roobdoon Alle looga baryayey inuu umadda roob siiyo oo uu abaarta jirta ka dulqaado.
Qaar ka mid ah culimada ka qayb galay roobdoonka oo la hadlay warbaahinta ayaa dadweynaha ku boorriyey in ay is cafiyaan Alle barigana la badiyo.
Dhanka kale, barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan ayaa u mahadceliyay culimada soo qaban qaabisay Alle bariga.




