Xildhibaankii hore ee deegaanka Bariga ismaamulka Wajeer Rashiid Qaasim Aamiin oo horay uga tirsanaa xisbiga Wiper ayaa si rasmi ah ugu biiray UDA.
Waxaa uu sheegay in uunan dhinac uga istaagi karin oo uunan mucaaradi karin xisbi horumarinaya dadkiisa iyo gobolkiisa.
Rashiid ayaa xusay inuu go’aankan qaatay ka dib markii uu aad uga fikiray sidoo kalena uu wada tashi ballaaran la sameeyay waxgaradka deegaanka , culimada iyo taageerayaashiisa.




