DHEGEYSO:Murkomen oo sheegay in madaxweyne Ruto uu haleeli doono rabitaankii Raila

0
600

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen ayaa sheegay inuu qabo kalsooni ah in madaxweyne William Ruto uu haleeli doono isbeddelladii ay wadaageen Raila Odinga ka hor inta uunan geeriyoon Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya.
Murkomen ayaa maanta munaasabad kaniiseed oo uu uga qayb galay ismaamulka Kisumu ka sheegay in madaxweynaha dalka iyo Raila Odinga ay horay uga wada hadleen sida Kenya ay ugu biiri karto waddamada caalamka ugu horreeya dhanka horumarka.
Waxaa uu xusay intaasi ay ahayd riyadii Raila ee uu ka dhabeyn doono maamulka Kenya Kwanza.
Murkomen ayaa carrabka ku adkeeyay in labada mas’uul ay wada shaqeyntooda xoogga ku saarayeen horumarinta kaabayaasha qaran.
Wasiirka ayaa sheegay in Kenya aynan ku sii tiirsanaan karin xiriirrada dhanka waddooyinka ee qadiimiga ah iyo garoomada diyaaradeed ee yar.
Wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in waaxyaha tamarta iyo biyaha ee dalka lagu sameeyo isbeddello ballaaran.

Dhanka kale, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen oo shacabka ku boorriyey in ay midnimada ku dadaalaan ayaa dhanka kale siyaasiyiinta uga digay jeedinta hadallada xanafta leh ee nacaybka ku saleysan iyo siyaasadda kala qaybinta dadweynaha.