DHEGEYSO:Musharraxa UDA ee Banisa oo muujiyey rajo ah inuu guulaysan doono

0
681

Waxaa qaybo ka mid ah dalka maanta ka dhacaya doorashooyin ku celis ah.
Meelaha maanta laga codeynaya waxaa ka mid ah deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera.
Musharraxa xisbiga talada dalka haya ee UDA ee Banisa Axmad Macallin Xasan oo codkiisa ku dhiibtay Dirib Bor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu tartanka ku soo bixi doono.
Waxaa uu sheegay in haddii uu guulaysto uu mudnaanta siin doono in shacabka loo fidiyo gargaar degdeg oo ka dhan ah abaarta ay wajahayaan.