UNRWA oo cambaareysay amar daadgureyn ah oo ka soo baxay Israa’iil

0
235

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa cambaareysay amar daadgureyn ah oo ay soo saartay Israa’iil.
Waxay sheegtay in tani ay ilaa 250,000 oo qof ku qasbi doonto in ay ka barakacaan magaalada Khan Younis in kastoo aynan jirin meelo ay ku badbaadi karaan oo ka tirsan Qaza.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay in toddobaadyo un ay ka soo wareegatay xilli ay dadweynaha dib ugu soo laabteen magaalada Khan Younis ee hadda lagu amray in ay iskaga baxaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here